Mashruuca Caalamiyenta hey’adaha Tacliinta Sare ee Soomaaliya

Xubno ka tirsan maamulka Jaamacadda Plasma oo uu hor kacayo *Gudoomiye ku Xugeenka Jaamacadda ee Dhanka Waxbarashada* ๐——๐—ฟ. ๐—•๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ, Madaxa xafiiska Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka ๐— ๐—ฟ. ๐—”๐—น๐—ถ ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐—ป iyo Diiwaan hayaha Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ๐— ๐—ฟ. ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ต ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—›๐—ฎ๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—ป ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga qeybgalay kulanka mashruuca Caalamiyenta hey’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya.

Jaamacadda Plasma ayaa ka mid ka faa’iideystayaasha *SMILE Project* oo ah mashruuc ay maalgalinayaan *Midowga Yurub* isla markaana Jaamacado dhowr ah ay martigalin doonaan inta uu mashruuca socdo sida *Middle East Technical University* iyo jaamacado kale oo ku yaala qaar ka mid ah dalalka yurub.

*Caalamiyenta Hey’adaha Tacliinta Sare* ayaa muhiim u ah isdhaxgal aqooneed iyo khibrad isweydaarsi dhax mara dalal iyo dadyoow kala duwan, taas oo horseeda hormar iyo ahdaafta fog ee dhanka tacliinta ee ka baxsan juqraafiyad kooban.

*Jaamacadda Plasma* ayaa sii xoojin doonta qeyb ka noqoshada dadaalada loogu jiro hormarinta tacliinta sare ee Soomaaliya ayada oo loo marayo dhabooyin cusub iyo mashruucyo heer caalami ah.